Home / Habka-Nolosha / Henry oo sheegay waxa Lukaku ka dhigi kara weeraryahannada ugu wanaagsan dunida

Henry oo sheegay waxa Lukaku ka dhigi kara weeraryahannada ugu wanaagsan dunida

Muqdisho – Laacibkii hore ee Arsenal, Thierry Henry ayaa rumeysan in Romela Lukaku uu leeyahay kartida uu ku noqon karo mid kamid ah weeraryahannada ugu fiican dunida haddii uu sare-u-qaadi karo dardartiisa goosha horteeda.

Laacibka reer Biljam ayaa boos joogto ah ka helay kooxdiisa Everton kadib markii uu sanadkii 2013-ka kaga soo dhaqaaqay dhinaca Chelsea. Waxaana marar dhowr ah lala xiriiriyay inuu dib ugu laabanayo gegida Stamford Bridge.

Hayeeshe, dhalinta celcelis ee ugu badnaan hal gool labadii ciyaarba, Henry ayaa rumeysan in Lukaku uu xoojiyo dardartiisa – iyo inuu fursadaha ku haliilo.

Daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher, ayaa sidoo kale Lukaku ku amaanay guulaha u ka sameynayo kooxdiisa Toffees-ka ee Everton.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan