Himilo – Manchester United ayaa ka fiirsaneyso bedelka daafaca Real Madrid Raphael Varane.
Xiddiga reer France ayaa keliya 12 bilood uga hartay qandaraaskiisa kooxda Los Blancos, kaasoo xiddig u ahaa tan iyo 2011.
28 jirkaan ayaa doonaya inuu qabto tartan cusub, taasoo u horseedeysa xiisaha xoogan ee United xilli ay u baahan yihiin xoojin khadka dhexe ah.
Inkastoo warbixino badan ay soo jeediyeen in United ay ugu cadcad tahay inay dhameystirto heshiiska, hadana Diario AS ayaa sheegeysa in kooxda Premier League ka ciyaarta ay shaki ka qabaan in heshiiskiisa la dhameystiri doono iyo in kale.
Iyadoo Real ay haatan diidan tahay inay aqbasho qiimo dhimista ciyaaryahanka, United ayaa la sheegay inay ogaatay dhowr fursado oo kala duwan.
Xidiga Villarreal Pau Torres iyo kan Sevilla Jules Kounde, oo labaduba lagu qiimeeyo £ 50m, ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo muuqdeen liiska Ole Gunnar Solskjaer.