Home / Habka-Nolosha / Hiiraan & Sh/dhexe oo taariikh cusub ka sameysay tartanka gobollada dalka

Hiiraan & Sh/dhexe oo taariikh cusub ka sameysay tartanka gobollada dalka

Hiiraan & Sh/dhexe ayaa kulankii ugu danbeeyay ee cayaaraha gobollada dalka galabta la qaatay xulka Galmudug oo guul inay gaaraan u dagaalamayay.

Cayaarta ayaa qeybtii hore lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah, iyadoo labada xul ay iska qasaariyeen fursado dahabi ahaa oo goolal loo rogi karay.

90kii daqiiqo ee cayaarta ayaa soo idlaatay, waxaana lagu daray dhowr daqiiqo, daqiiqaddii u danbeysay daqiiqadihii dheeriga ahaa ayay wax walba isbedeleen markii Gallad Cabdi Maxamed oo lanbarka 14aad u xirta Hiiraan & Sh/dhexe uu shabaqa soo taabtay.

Cayaarta ayaana kusoo dhamaatay 1-0 oo guushu ay ku raacday xiddigihii metelayay Hiiraan & Sh/dhexe. Waa kooxdii u horeysay oo badisa labadii kulan ee is aragga ay ka dheeshay, waxayna uruursatay lix dhibcood iyadoo kusoo baxday booska koowaad.

Hiiraan & Sh/dhexe ayaana ku dhici doona kooxda booska labaad ee Group A kusoo baxday Puntlad.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan