Himilo FM – Baaritaan cusub ayaa muujiyay in ku dhawaad 1.2 milyan oo qofood inay u dhinteen wasaqda hawada dalka Hindiya sannadkii la soo dhaafay ee 2017.
Waxay ka dhigan tahay tiradan 12% guud ahaan dhimashada lala xiriiriyo wasaqda hawada caalamka oo dhan sida lagu xusay baaritaanka.
Khubarada sameeyay baaritaanka oo katirsan dhowr machad oo ku yaala Hindiya iyo dalal kale ayaa sheegay in inka badan 51% dadka u dhintay wasaqda hawada inay da’doodu ka yartahay 70 sanno.
Waxa uu baaritaanka xusay in 670 kun oo qofood inay u dhinteen wasaqda hawada ee guud halka 480 kun oo qofood u geeriyoodeen wasaqda hawada xaafadaha sida khubarada sheegeen.
Magaalada Caasimadda ah ee New Delhi ayaa la tilmaamay inay noqotay midda ugu nugul oo dadka si fudud ugu neefsan karaan wasaqda hawada oo u keeni karta xannuuno sambabaha ah.
Goor sii horreysay oo sannadkan ah, WHO waxay shaacisay in Hindiya kamid noqotay 14-ka dal ee wasaqda hawada ugu horreeya caalamka.