Muqdisho – Darawal u dhashay dalka Hindiya oo basaska kaxeeya ayaa laga joojiyey inuu gaari wado kaddib markii uu daanyeer u ogolaaday inuu baskiisa kaxeeyo.
Ma jirin wax cabasho ah oo ka timid soddomeeyo qof oo ahaa rakaabkii saarnaa baskaas marayey koofurta gobolka Karnataka ee dalka Hindiya.
Waxa la shaaciyey muuqaal muujinaya daanyeer aysan ka qasnayn oo si fiican u kaxaynayey gaariga, Muuqaalkaas ayaana noqday mid aad loo daawaday, waxayna taas dhalisay in shirkaddii baska lahayd ay tallaabo ka qaaddo darawalkii u dhiibay baska.
“Bed-qabka rakaabka khatar lama gelin karo iyadoo daanyeer isteerinka loo dhiibayo” sidaa waxaa yiri afhayeen u hadlay shirkadda baska leh.
Blase dadkii daawaday, arrintaan la yaabka leh waxay ahayd in aysan isku raacsanayn wixii ay arkeen iyo talaabada laga qaaday.
“Waa heer sare, maxaa shaqada looga joojiyey? Waxay ahayd in loo digo si uusan mar kale tan ugu celin” Prag Heda ayaa Twitter ku qoray.
Arrintan ayaa dhacday Isniintii, sida laga soo xigtay hay’adda xukuumadda u qaabilsan waddooyinka, taasoo ogaatay wixii dhacay markii la sii daayey muuqaalkaan.
Sida laga soo xigtay dad goobjoog ah, daanyeerka waxaa gaariga soo saaray qof rakaab ah oo diiday inuu fariisto meel aan ahayn kursiga hore.
Darawalka oo magaciisa lagu sheegay Mr Prakash, oo u muuqday inuusan wax welwel ah ka qabin ayaa u ogolaaday daanyeerka inuu dhabtiisa ku fariisto.
Si marka loo fiiriyo, Mr Parakash wuxuu u muuqday in uu isteerinka hal gacan ku hayey intii uu gaarigu socday oo uu taxaddar qabay.
Daanyeerka ayaana ugu danbeyn wuxuu gariga kaga haray markii la gaaray halkii loo waday.
Isha: economictimes.indiatimes.com