Home / Deegaan / Hindiya: Khatarta daanyeero loo caal waayay!
قرد يجلس خارج مبنى البرلمان الهندي في نيودلهي يوم 15 نوفمبر تشرين الثاني 2018 في صورة لرويترز.

Hindiya: Khatarta daanyeero loo caal waayay!

Himilo FM –  Xukuumadda Hindiya waxay wajahaysaa doorashooyin adag sannadka soo socda hase ahaatee waxaa marka hore looga baahan yahay inay la tacaasho arrin ka culus mucaaradka oo ah daanyeerada khatarta ku haya xarumaheeda magaalada New Delhi.

Daanyeerada ayaa fowdo ka wada magaalada, waxay dadweynaha ka dafaan cuntada, taleefanada iyagoo u dhaca guryaha islamarkaana argagax geliya dadka.

Fadhi uu yeeshay baarlamaanka dalkaasi ayaa looga hadlay wadiiqooyinka looga hortagi karo weerarada daanyeerada sida in aan la daandaansanin ama indhaha lala raacin. Waxaa kale oo kamid ah hababka loo arkay xalka in noloshooda loo madax banneeyo.

Korriimada xooggan ee magaalooyinka oo dadku soo aadayaan ayaa loo tiirinayaa barakaca daanyeerada oo u soo bannaan baxay magaalooyinka si ay u helaan cunno.

Sannadkii 2015, daanyeero kumanaan ah ayaa carqaladeeyay qorshe ra’iisul wasaare Modi uu ku doonayay inuu adeegga internet-ka ku gaarsiiyo deegaanada doorashada.

Daanyeerada waxay ku badan yihiin magaalada New Delhi iyo gobolada ku dhaw waayo waxay halkaasi ku helaan ilaalin lagamana hayo tirakoob sax ah cadadka daanyeerada.

Hindiya waxay qaadatay istiraatiijiyado badan oo looga hortagayo khatarta daanyeerada laakiin ma aysan suuragelin in lagu guuleysto.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. Proc Natl Acad Sci USA 2002; 99 3546 51 best place to buy cialis online These chromophores were hypothesized to have a lower pKa than the acridine chromophore

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan