Home / Cayaaro / Hodgson: ‘ Zaha wuxuu doonayaa inuu ciyaaro Champions League’
wilfried-zaha

Hodgson: ‘ Zaha wuxuu doonayaa inuu ciyaaro Champions League’

Himilo – Roy Hodgson ayaa rajeynaya in Crystal Palace markale ay wajihi doonto dagaal si ay u ceshato Wilfried Zaha xagaagan, waxaana uu aaminsan yahay in gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda inuu sii hayo hamigiisa ah inuu doonayo inuu ciyaaro Champions League.

Xiisaha loo qabo xiddiga kasoo aflaxay akadeemiga  ayaa weli sarreeya inkastoo ciyaaryahanka reer Ivory Coast uu heshiis muddo dheer ah u saxiixay Selhurst Park saddex sano ka hor, halka kooxda ay diiday dalabyo uga yimid Arsenal iyo Everton xagaagii 2019.

Markii la weydiiyay haddii Zaha uu xirfadiisa ku dhameysan karo Palace, Hodgson ayaa qirtay: “Waxaan u maleynayaa inuu weli hami badan leeyahay.

 “Waxaan u maleynayaa marka suuqa dib u furmo Wilf Zaha inuu mar kale magac ku yeelan doono maamuleyaal badan iyo bushimaha agaasimayaasha isboortiga, Wilf wuxuu ceshan doonaa hamigiisa ah inuu ciyaaro kubada cagta Champions League.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan