Home / Macluumaad / Hoggaamiyaha loo baahan yahay!

Hoggaamiyaha loo baahan yahay!

Muqdisho – Aqoonyahankii Yuhuudi Maraykanka ahaa ee  Albert Einstein ayaa yiri; “Gebi-dhacleyntu waa ku celcelinta sameynta hal shey mar iyo marar adiga oo filanaya inaad toos u tiigsato natiijada ugu fiican.

Maamulka dowladeed ee aan lagu hagin dheelli-tir iyo turxaan-bixin mar iyo marar waxay iyaduna noqon kartaa jah-wareerka diida is-raaca iyo midnimada bulshada la maamulayo.

Taas waxay kuusoo baxaysaa marka aad aragto nidaamka ka jira Soomaaliya oo madaxda talinaysa iyo mijaha raacsan lagu tilmaamo kuwo aan wada haysan xariga isku xiri kara ka wada-shaqayntooda horumarka iyo baraaraha dhulkooda.

Hadana waxaa mar mar soo noqnoqota meesha loo tiirin karo eedda taagan – ma shacabka ayaan u bisleyn dowladnimada? Mise dowladnimada ayaanba heysan toobiyaha toosan ee maamul wanaagga iyo wada-tashiga?

Su’aalahaas waxaa jawaab loo heli karaa marka la fahmo nuuca hoggaamiye ee aan u baahannahay iyo muuqaalka ay ku sugan tahay bulshada loo talinayo.

Thomas Jefferson oo kamid ahaa aas’aasayaashii dalnimada Maraykanka ayaa leh kalmad xeel-dheer oo uu ku leeyahay: “Hadafka ugu weyn ee aasaasiga u ah maamulnimada waa inay dowladdu u raaxayso shacabkeeda; iyo inay u taagnaado hubsashada inay muwaadiniinteedu ku noolaadaan liibaan iyo horumar – waxaana intaas dheer inay sidoo kale bulshadeeda ku kaalmeyso si ay xaqiiqsadaan liibaan waarta.”

Hayeeshe, in la helo dowlad fulisa waajibaadkaas oo kale, aalaaba kuma timaado fikir hooseeya iyo falal gurracnaan laga dareemi karo. Waxay ku timaadaa helidda hoggaan fiiro dheer iyo ummad u darban hanashada baraaraha iyo horumarka uu ku taamayo hoggaanka haya taladooda.

Sooyaalka dhaqanka Soomaalida marka dib  loogu laabto, waxaa soo bixi karta in hab-maamulkii ay awoowayaasheennu kusoo dhaqmi jireen uu ahaa mid kamid ah kuwii ugu fiicnaa taariikhda. Hayeeshe,ereyga siyaasad, bulshadeennu waxay si caad­yaal ah ula baratay duullaankii gumeystayaashu ku soo galeen dhulkeenna.

Waagii hore, ereygani wuxuu u jiray magac kale iyo macno duwan. Hayeeshe, markii dhaqanka miyiga magaalada loosoo raray, siyaasaddu magac ahaan iyo micno ahaanba way is­badaleysay hadba heer.

Mar waxaa la weriyaa ay dhacday in nin kamid ah dadka degmo ku taalla koofurta Soomaaliya oo wax­garadka ku jiray loogu yeeray inuu matalo degmadooda. Markii uu cabbaar ka dhaga’adeygay ayaa lagu yiri Faataxo ku gal. Sidaas ayaana uu ku matalay gobolkiisa—isaga oo magca hebel faataxo loo bixiyay.

Maanta, cidna siyaasadda ku baryi meyso cid kale. Qof kasta oo awooodi kara inuu siyaasi noqdana wuxuu u huraa hantidiisa. Hayeeshe waa maxay sifooyinka uu leeyahay siyaasiga leh hoggaaminta wanaagsan?

Sida laga soo dheegtay buugga lagu magacaabo Hoggaaninta Wanaagsan, qof kasta leh kartida, aqoonta iyo tayada waxa uu qabanayo – doonaya inuu si ka wanaagsan sida uu ugu yimid uga dhaqaaqo marka uu xilka wareejinayo, wuxuu mudan yahay in la yiraahdo Hoggaamiye.

Isu-geynta sifooyinka hibada leh ee qofka ku saacidi kara howl-galkiisa, marka biya-raacis looga dhigo han iyo horseed hiigsanaya dayaxa dushiisa, waxay sahli kartaa in dowladdaasu hanato shacbigeeda iyo inay iyaguna ku raaxaystaan maamulkeeda.

Dhibta la sheego inay heysato maamulka Soomaalida waa inay is-qaban la’yihiin laba shey: cilmi iyo amaano.

Markii Nabi Yuusuf uu arkay inay dhulkii Masar ee uu ku noolaa ay kusoo socoto 7 sano oo roob la’aan ah, isaga oo kaashanaya cilmiga Alle ku mannaystay wuxuu boqorkii Masar weydiistay inuu ka yeelo midka lagu aamino khasaa’inta Msar – waayo wuxuu isku tilmaamay inuu leeyahay laba sifo: inuu yahay qof aqoon u leh xalka mushkiladda jirta iyo inuu yahay aamin – aan ku sifoobin wax is-daba marin, eex, qiyaano iyo musuq-maasuq.

Falkaas ka dhashay cilmi lagu gardaadshay amaano iyo cadaalad, waxay suura-galisay badbaadada umad dhan oo gaajo iyo haraad u dhiman lahayd haddii uu kusoo aadi lahaa hoggaamiye aan cilmi u lahayn amase aan aamin ahayn.

Mayara inta ku jirta maamulka ee gaaray heerka ugu sarreeya marqaatiga waxbarashada. Waxaa jira dhaqaatiir, Bunniyo ama professor-ro soo bartay dhinac kasta oo aqoonta maanta lagu hodmo kamdi ah. Walise sida muuqata waxaa dhiman hal-sifo Ilaahay ku sifeeyey inay ku liibaanaan hoggaamiyaasha wanwanaagsan oo ah amaanada iyo garsoorka.

Midka raba inuu hoggaamiye noqdo, waa inuu sidoo kale ku sifoobaa karti iyo daacadnimo. Sida ku jira Suural-Qasqas, markii Nabi Muuse uu xoolihii u waraabiyay gabdhihii xoola-jirka ahaa, waxay markii ay kusoo laabteen gurigooda u sheegeen aabahood, inay soo heleen nin karti iyo daacadnimo u saaxiib ah.

Inaad karti u leedahay waxa aad qabaneyso oo ay kaa go’an tahay xaqiijin dhab ah adiga oo taas u maraya waddooyinka Ilaahay raaliga kaaga yahay, waxay sidoo kale hoggaamiyaha wanaagsan u tahay sifo.

Maanta oo lagu jiro xilli nidaam jira uu badalayo nidaam kale oo la dooranayo, waa muhiim in musharraxiintu maanka ku hayaan mas’uuliyadda ay rabaan qaadisteeda aqoonta iyo daacadnimada ay u leeyihiin hanashadeeda.

Markaas ayaa si lamid ah casrigii Nabi Yuusuf ee roob la’aanta iyo rafaadka looga bixi karaa hoggaamin hufan oo ku sugan aqoon iyo amaano.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan