Home / Macluumaad / Hooyo diiday inay nuujiso cunugteeda oo ku dhalatay muuqaal ay ka naxday

Hooyo diiday inay nuujiso cunugteeda oo ku dhalatay muuqaal ay ka naxday

Muqdisho – Hooyo ayaa waxaa ku dhacay cudur ku dhasha niyad-jabka lama filaanka ah kadib markii ay dhashay cunug xubnihiisu kala dhiman yihiin.

25-jirta lagu magacaabo Priyanka Kumari oo u dhalatay dalka Hindiya waxay sida caadadeeda ah taniyo dhalmadeeda dharabta ku heysataa cunugeeda ay kula jirto isbitaalka, hayeeshe waxay diidan tahay inay naas-nuujiso.

Kumari waxay sheegtay in cunugeeda oo aan magac loo bixin wali ay dhashay iyada oo u eg uun ku nool arlo kale.

Cunugtan dhedigta ah waxay ku dhalatay cudur la yiraahdo Harlequin Ichthyosis kaas oo sababa in gibilku uu kala fido iyo dhantaal ku dhaca dhameystirka xubnaha.

Kumari waxay saxaafadda tustay cunugteeda oo madaxa aad uga kortay wajigana uga eg qof da’ ah.

Jiiraanka kula nool degmada Chakiya ee dalka Hindiya ayaa bilaabay booqasho aan kala joogsi lahayn – halkaas oo qaarkood ay ku tilmaamayaan inay tahay calaamad ka timid Ilaaha Hinduuga.

Kumari iyo seygeeda Balindra Mahto, oo 34-jir ah, waxay labaduba la mooral jabeen sida ay ku dhaleen cunugan waxayna ku jiraan waqti adag inay kula tacaalaan.

Dr. Rajan Sinha, kaas oo gacanta kula jira daryeelka iyo samata-bixinta cunugtan ayaa sheegay in mala-awaalka ay ku noolaan karto inantan yar ay tahay boqolkiiba 1%.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan