Home / Macluumaad / Hooyo filaneysay inay hal cunug dhasho oo shan carruur ah mar wada dhashay
PIC FROM CATERS NEWS PICTURED: An Indian mother has welcomed five healthy daughters through normal delivery in just over half an hour. Manita Singh, 25, was admitted to a local government hospital in Ambikapur in Chhattisgarh in eastern India on Saturday morning after complaining labour pains at 26 weeks of pregnancy. The doctors, who started operating on her at 11 am, were surprised when they found she was carrying not one but five baby girls.The babies all weighing 1.5 kg each are under doctors supervision in Non-natal Intensive-care Unit.SEE CATERS COPY

Hooyo filaneysay inay hal cunug dhasho oo shan carruur ah mar wada dhashay

Hooyo ayaa aaday Cusbitaal si loo baxnaaniyo oo halkaa ay ugu dhasho iyadoo oo filaneysay in cunug ay sidkii uurka ku siday.

Ahsqaraar ayayse ku noqotay saacad iyo bar kaddib markii ay garowsatay inay mar qura dhashay shan caruur ah oo gebigood hablo ah halkii ay ka dhowreysay inay dhasho hal cunug.

Goortii Manita Singh loola cararay cusbitaalka kaddib 26 toddobaad oo ay sidka ku wadatay shan hablood, ayay qiratay inay xaallad adag oo cabsi ku dheehan tahay ay gashay.

Haweeneydan oo 25 jir ah ayaa inankeedii hore uu geeriyooday labo sano hortood inyar kaddib dhalashadiisii, iminkana cabsida ugu weyn oo ay qabtay ayaa aheyd inay weyso ilmaha xiga oo u dhalanayay.

Hablaha yaryar oo haweyneydaan ay dhashay ayaa midkiiba uu culeyskeedu yahay 1.5 kg, waxayna ku dhasheen bariga dalka Hindiya.

Carruurtan ayaana ku dhashay Isbitaal dowladeed oo maxali ah oo ku yaal magaaladda Ambikapur, oo dhacda gobolka bariga Hindiya ku yaal ee Chhattisgarh.

Manish oo ah Aabaha carruurtan ayaa yiri: “Aad baan ugu xamdinayaa Alle oo inagu galadeystay shan carruur ah.

Waan niyad jabnay markii aan weynay ilmihii guryo horeyska noo ahaa oo wiil ah, kaddib dhalashadiisii, labo sano kahor. Waxaan filayaa in Alle uu inoo gurmaday oo inagu furtay carruurtan.”

Dr Tekam, oo hogaaminayay kooxdii shaqada qabatay ayaa yiri; “Waa kolkii iigu horeysay intaan xirfaddan ku jiray oo marqura aan dhacdadan oo kale u joogo. Wax walba ayaynu u huri doonaa si aan u badbaadino dhallaankan.”

Hooyada oo aan horaan wax baaritaano u tilmaamaya uur ku jirteeda marin ayayna cajiib la noqotay inay carruurtan mar qura wada dhasho.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan