Himilo – Inaad ku dhego la’aataa Africa- oo badi dadka kugu xeeran dhega li’ida u arkaan nusqaanimo- waa wax adag, waxaase ka sii adag marka aad tahay hooyo haysata gabar yar oo qurxoon haddana aanan maqli karin ooyinteeda.
Waxaa ku hareereysan dad, waa ay dareemeysaa, arkeysaa, misana lama xiriiri karto oo ma fahmayaan luuqadeeda u gaarka ah.
Waa sheekada Cathrine Kinya, oo ah hooyo maqalka naafo ka ah. Waxay haysaa wadadii ay kaga bogsan lahayd xanuunka Posti-partum Dibareeshanka noociisa ku dhaca hooyooyinka marka ay dhalaan kaddib.
Ka gadaal markii ay umushay Cathrine, cunugteeda yar sanadkii tagay ee 2020-kii ayaa lagu arkay calaamadaha xanuunkan oo ka mid ah kuwa ku dhaca maskaxda, dhaawaca badqabka jirka beddelana dabeecadda hooyada dhawaan dhalka ah ee uu ku dhaco.
“Markii aan umulay qofina agtayda ma joogin, waxaan ahay hooyo carmal ah misana agoon ah” ayey tiri Cathrine iyada oo ku hadleysa luuqadda tilmaamta.
Billawgiiba waxey daruuftu ku qasabtay inay gabadheeda yar ku korsato guri ay keli ku tahay maadaama aysan haysan cid caawisa Qofina sooma wici jirin iskaba daaye in lasoo booqdo.
Waxey in badan ka fikireysay sida ay noqon doonta nolosha gabadheeda Kaylene, marka ay korto. Maalintii, marka ay ooydo gabadheeda yar si ay u sheegato waxa ay u baahan tahay, ma maqasho, balse derista ayaa si ay u dareensiiyaa dhagax kusoo tuura gurigeeda, markaasi oo ay baahi tirto.
Waxaase ugu darran habeenkii oo ay gabadha yar aad u ooydo, markaasina waxaa caawiya dareemaha hooyanimo oo siiya ishaar.
“Waxaan ku riyoodaa inay gabadheydu ooyneyso markaasi ayaan si hal-haleel ah kaga toosaa hurdada” ayey tiri.
Waxaa xilliyada qaar ku adkaata inay fahanto waxey u baahan tahay. Waqtiyo adag kaddib, nasiib wanaag maalin ayey la kulantay Judy Kihumba oo u ole-oleysa haweenka maqalka naafada ka ah ee ka cabanaya xanuunka Posti-partum Dibareeshanka, markaasi oo ay labadoodaba u kaxeysay gurigeeda.
Hadda wax weliba way hagaagsan yihiin, waxa ay la nool yihiin qoyska marwo Kihumba. Kasow inay ka caawiso korriimada inanteeda yar, waxey sidoo kale u tahay tarjumaan, maadaama Kihumba ay ku fiican tahay luuqadda tilmaamta ee u gaarka ah dadka maqalka la’.
Qiyaastii 30%, haweenka dhawaan dhalka ah ee ku nool africa ayaa ka cawda xanuunka Postpartum Depression, kuwaasi oo in kabadan 10 boqolkiiba ay ku nool yihiin Kenya.
“Hadda marka aan fiiriyo cunugteeda yar waxaan dareemo jaceyl, ma ogi waxa uu ii soo wado mustaqbalka, waanse rajo fiican nahay” ayey kusoo gabagabeysay sheekadeeda Cathrine Kinya, hooyada carmalka ah ee naafada ka ah maqalka.