Home / Macluumaad / Hooyo naafo u noqotay badbaadinta Bisad yar oo halis ku jirta.

Hooyo naafo u noqotay badbaadinta Bisad yar oo halis ku jirta.

Muqdisho – Hooyo saddex dhal ah ayaa laga yaabaa inaysan dib u socon kadib markii ay kasoo dhacday geed xilli ay badbaadinaysay bisad yar.

Hooyadan u dhalatay Australia ayaa noqotay naafo kadib markii ay fuushay geed ay saarnayd bisad yar oo soo dhici rabta. Waxay kusoo dhacday laamaha adag ee geedka mid kamid ah mana awoodin inay istaagto.

30-jirta lagu magacaabo Rachel Maree waxaa durba loola cararay isbitaalka – luqunta iyo laf dheerta xiriirisa dhabarka iyo dabada ayaa dhaawacan.

Waxaa la isku dayay in xalka ugu habboon loo helo qeyb ahaan musiibada gaartay. Hadda Maree waxay ku bogsanaysaa isbitaalka. Waxaase murug ku abuuray in loo sheegay inaysan awoodi doonin socosho hadda kadib.

Barta isbitaalku ku leeyahay facebook, Maree ayaa kusoo qortay: “Waxaan la halgamaa dhibta igu dhacday. Waxaan la noolahay laxawga aah ka helay. Aad baa laygu dadaalay waana la igu wadaa. Waxaan rajaynayaa midda fiican, waxaase isku diyaarinayaa midda iigu xun.”

Tiiyoo aysan awoodi doonin inay dib cagaheeda ugu socoto, Maree waxay ku hartay niyadsanaan, waxayna isku dayaysaa inay qiimeyso waxa kala gudboon inay awoodaha kale oo ay heysato ku qabsato.

“Wali waxaa ii fiyow dhinaca kore ee jirkayga. Carruurtaydana waan hab siin karaa,” ayay tiri.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan