Home / Macluumaad / Hooyo – si ay wahsida ugala dirirto inankeeda – sameyneysa fal cajiib leh

Hooyo – si ay wahsida ugala dirirto inankeeda – sameyneysa fal cajiib leh

Muqdisho – Haweeney ku nool UK ayaa barteed facebook ku shaacisay in wiilkeeda lagu heli karo lacag la’an inuu ku shaqeeyo.

Donna Cooper waa haweeney howlkar ah taas oo qaadan weysay in inankeeda uu maalintii oo dhan ku dheelo muuqaallada ciyaarta fiidiyowga guriga dhexdiisa – xilli iyada iyo seygeeda ay ku maqan yihiin shaqooyinkooda.

Cooper ayaa barteeda ku sheegtay in inankeeda 16-jirka ah ee la yiraahdo Nick uu yahay fariid howl-yaqaan ah balse ay ku adkaatay la qabsiga adag ee jadwalka iskuulkiisa.

Waxay intaas kusii dartay in wax-barashada ay heshiin waayeen inankeeda maadaama iskuulku bari waayay casharro la xiriira waaya’aragnimada nolosha. Hadda, iyada ayaa go’aansatay inay booskaas gasho oo cashar nololeed u bixiso inankeeda.

Maalin, wax-yar kadib markii ay barteeda ku qortay codsiga shaqa-doonista inankeeda, waxay xiriir ka heshay milkiilaha maqaayad ku taalla degmada Hornsea ee Yorkshire kaas oo wiilka ugu deeqay laba toddobaad inuu tababar hore ugu shaqeeyo.

Cooper ayaa ku faraxday dalabaadka uga yimid milkiilaha, hayeeshe wiilkeedu lama dhicin middaas. Si kastaba, wuu aaday shaqadiisa.

Cooper waxay tilmaantay in milkiiluhu uu aad ugu farxay shaqada inankeeda Nick uu ka qabanayo maqaayaddiisa.

“Nick wuu ka cawday shaqada markii hore, hayeeshe wuxuu kusoo baxay inuu qabto shaqo cajiib leh. Hadda wuxuu helay tixraac fiican. Wuxuuna awoodi doonaa inuu helo shaqooyin kale,” ayay tiri Cooper.

Isha: radiohimilo.so

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan