Home / Habka-Nolosha / Hordhaca Finalka cayaaraha gobollada dalka

Hordhaca Finalka cayaaraha gobollada dalka

Kulankii ugu danbeeyay cayaaraha gobollada dalka ayaa maanta gegada Banaadir ee degmada Cabdicasiis ku dhexmari doona xulalka Jubaland iyo Puntland oo soo gaaray gebagabada cayaarahan.

Jubaland ayaa kulankeedii u horeeyay ee tartanka  ku bilowday guuldarro, hayeeshee wadadii guulaha ayay jaanta la heshay iyadoo soo dhaaftay Galmudug iyo Banaadir.

Puntland iyadu weli dhankeeda dhulka lama dhigin, Koonfur Galbeed ayay u awood sheegatay, barbaro ayay la dhaafi weysay Banaadir halka kulankii danbana ay  ka badisay Hiiraan/Sh.dhexe.

Jubaland ayaa horaan ugu guuleysatay siddeed goor tartamada gobollada dalka oo 16 goor la qabtay, waa kooxda ugu guulaha badan oo waxay ku guuleysatay inta ay hanteen dhammaan gobollada kale oo la isku daray in lamid ah.

Cayaartan ayaa la dheeli doonaa xilli ka horeeya waqtigii la cayaari jiray kulamadii hore ee tartanka, waxaanay soo geli doontaa saacadda geeska Afrika marka ay tahay 02:30pm duhurnimo.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan