Home / Habka-Nolosha / Hordhaca kulan cayaareedka Heegan iyo Saxafi

Hordhaca kulan cayaareedka Heegan iyo Saxafi

Kooxaha kubadda cagta Heegan iyo Saxafi ayaa galabta kulan xiiso leh ku wada cayaari doona gegada Banaadir Stadium.

Labada kooxood ayaa isfarasaari doona saacadda geeska Afrika marka ay tahay 3:30pm oo galabnimo.

Heegan ayaa daafacaneysa horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta, waxayna ku niyad qabowsaneysaa guushii ay kulankii u danbeeyay kasoo gaartay Singjet.

Cayaartii u danbeysana kooxdan waxay ku soo badisay 4 gool iyo hal xilli shabaqa ay soo taabteen geesiyadooda Jibriil Xasan Fariid iyo Deeq Cabdullaahi Nuur (Aaryo).

Saxafi hardan xoogan ayay ku jirtaa, waxayna carar ka joogtaa inay heerka labaad u dhacdo xagaaga soo aadan.

Kulankeedii u danbeeyayna guuldarro 1-0 ah ayay kala kulmeen Jeenyo, waxaana cayaartaa gowracay Feysal Xasan Xaashi oo goolka guusha ka dhaliyay.

Heegan booska Afaraad ee kala sareynta ayay la fadhisaa 27 dhibcood, halka Saxafi kaallinta Siddeedaad ay joogto iyadoo leh keliya 8 dhibcood, waxaana ku dhegan kooxda Singjet.

Shantii kulan oo ugu danbeysay labadan kooxood ay fool ka fool u cayaaraan, waxaa guulo badneyd Heegan oo saddex guul heshay, hal guuldarro iyo barbaro ayaana u wehliya.

Kulankii ugu adkaa oo labada kooxood dhexmara ayaa ahaa kii ay wada cayaareen maallin Khamiis ah 5/march/2015, kulankaa oo ahaa lugtii koowaad ee xagaagii tegay ayaana ku soo dhamaaday barbaro min saddex gool ah, xilli cayaartaa lix gool garoonka laga dhaliyay.

Kulankii ugu danbeeyay oo labada kooxood dhexmaray ayaa dhacay 11kii bishii labaad ee sanadkan, maallin Khamiis ah, waxaana guul 2-0 ah gaartay cayaartaa kooxda Heegan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan