Home / Habka-Nolosha / Hordhaca kulanka adag ee Banaadir VS Puntland

Hordhaca kulanka adag ee Banaadir VS Puntland

Kulanka ugu adag uguna xiisaha badan wareega Groupyada ee cayaaraha gobollada dalka ayaa galabta dhexmari doona xulalka Banaadir iyo Puntland oo ah xulalka ugu adag ilaa iminka cayaarahaan.

Cayaartoyda xulka Banaadir ayaa kulankoodii koowaad gaaray guul weyn markii ay 5-0 ku xasuuqeen kuwa Koonfur Galbeed, halka wiilasha Puntland ay iyagana u awood sheegteen kooxda tartanka ka hartay ee K.Galbeed, cayaar ku dhamaatay 4-0.

Labadan xul ayaa xaqiiqsaday inay soo gaareen Afar dhammaadka, hayeeshee cayaartooda ayaa noqoneysa mid xiiso gaar ah leh, maadaama ay kulamadii hore soo bandhigeen cayaaro la jecleysto oo ay ka muuqatay kubad sare iyo xirfad dahabi ah.

Macallin ABshir oo wata cayaartoyda Puntland ayaa wacad ku maray inay garaaci doonaan xul kasta, isagoo aaminsan inay ka badin karaan wiilasha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cayaaraha gobolka Banaadir Xasan Yabarow ayaa isna qaba in xulka gobolka cayaaraha marti gelinaya uu leeyahay awood uu koobkan ku daafacdo.

Kulankan wuxuu soo geli doonaa galabta saacadda geeska Afrika marka ay tahay 04:00 galabnimo, waxaana lagu dheeli doonaa gegada Banaadir Stadium.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan