Home / Habka-Nolosha / Hordhaca kulanka adag ee dhexmari doona Jeenyo iyo Elman

Hordhaca kulanka adag ee dhexmari doona Jeenyo iyo Elman

Kooxda kubadda cagta Jeenyo ayaa kulan xiiso gaar ah xanbaarsan marti gelin doonta dhigeeda Elman oo cayaar adag ay had iyo goor wada cayaaraan.

Kulanka ayaa ka dhici doonaa gegada Banaadir Stadium, saacadda geeska Afrika marka ay tahay 3:30pm oo galabnimo.

Jeenyo oo booska saddexaad la fadhisa 31 dhibcood ayaa guul dirqi ah kulankeedii u danbeeyay kasoo gaartay kooxda Saxafi, wiilka gool dhallinta horyaalka hogaaminaya Feysal Xasan Xaashi ayaana goolka keliya ee guusha u horseeday u dhaliyay.

Elman dhib badan ayay dhexda kaga jirtaa, 19 dhibcood ayay la fadhisaa booska 7aad, kulankii u danbeeyayna guuldarro 3-0 ah ayay kala kulantay kooxda Dekadda.

Barbaro min gool ah ayay labada kooxood ee Elman iyo Jeenyo ku heshiiyeen kulankii lugta hore oo ay wada dheeleen 9/2/2016.

Toddobadii kulan oo ugu danbeysay oo labada kooxood ay wada cayaareen Jeenyo ayaa labo guul gaartay, hal goor Elman ayaa dhibcaha wada urursatay halka afar jeerna ay isku garab dhaceen.

Guushii ugu weyneyd ee labadan kooxood kulan ay wada cayaareen waxaa heshay Jeenyo oo 5-2 ku dhufatay Elman labo xagaa hortood, 28dii Janaury 2014.

Jeenyo iminka waxay u carareysaa booska labaad, halka Elman ay dooneyso in jabkii Dekedda ay isku ilowsiiso guul ay maanta gaarto.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan