Home / Habka-Nolosha / Hordhaca kulanka adag ee dhexmari doona Puntland iyo Hiiran/Sh.dhexe

Hordhaca kulanka adag ee dhexmari doona Puntland iyo Hiiran/Sh.dhexe

Kulanka ugu danbeeya afar dhamaadka ayaa galabta ka dhici doona gegada Banaadir, waana cayaarta u dhexeysa gobollada Puntland iyo Hiiraan/Sh.dhexe.

Labadan xul ayaa mid uun laga doonayaa inuu soo adkaado oo uu ku dhaco Jubaland oo Finalka Isniinta dhici doona iska sii xaadirisay markii ay gool ku laadyo ku qaarijisay gobolkii cayaaraha marti gelinayay ee Banaadir.

Puntland ayaa qaab cayaareed cajiib ah soo bandhigtay, iyadoo wareeggii koowaad ku soo baxday booska labaad kaddib afar dhibcood oo ay urursatay, waxayna guul 4-0 ah ka gaartay Koonfur Galbeed, halka ay barbaro 2-2 ah la gashay Banaadir.

Hiiraan/Sh.dhexe iyadu taariikh tartanka u gaar ah ayay sameysay, waxayna badisay kulan kasta oo ay cayaartay wareeggii koowaad, iyadoo kusoo baxday lix dhibcood, weli daafaceedu waa mid xooggan oo keliya hal gool ayaa ka dhashay, oo si kama ah ay isaga dhaliyeen daafacyadoodu.

Kulankan waxa uu soo geli doonaa 04.00 galabnimo saacadda geeska Afrika.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan