Kulankan dhexmaraya muruqyo weynta horyaalka ayaa galabta saacadda Geeska Afrika marka ay tahay 3:30pm ka dhici doona gegada Banaadir Stadium.
Banaadir SC waa hogaamiyaasha horyaalka, toddobaadkii tegay ayayna u dabaal degtay hanashada horyaalka ee xilli cayaareedkan.
Dekedda dadaal xoogan bay soo muujisay, iminkana booska labaad ee kala sareynta ayay ku jirtaa, waxayna lix dhibcood ka hooseysaa kooxda horyaalka dhankeeda marsatay.
Banaadir ayaa indhaha ku heysa in goortii labaad muddo saddex sano gudahood ah ay ku xaqiijiso in iyadu horyaallka ku qaaday xilli aan goor qura dhankeeda dhulka la dhigin.
Dekedda waxay ka carareysaa kooxaha ku soo xiga oo ay ugu horeeyaan Jeenyo iyo Heegan oo boosaska saddexaad iyo afaraad kala jooga.
Sidoo kale Dekedda ayaa dooneysa in guuldaraddii u horeysay ee xilli cayaareedkan ay dhansiiso kooxda Banaadir SC, soona yareyso farqiga lixda dhibcood ah oo labada koox u dhexeeya.
Waa kulan xamaasad gaar ah xanbaarsan, labada kooxoodna ay mid waliba dooneyso in dhibcuhu dhankeeda maraan marka ay isugu yimaadaan bugcadda Banaadir.