Home / Habka-Nolosha / Hordhaca kulanka dhexmari doona Puntland iyo Koonfur Galbeed

Hordhaca kulanka dhexmari doona Puntland iyo Koonfur Galbeed

Kulan cayaareed xiiso gaar ah xanbaarsan ayaa galabta garoonka Banaadir ku dhexmari doona kooxo kala metelaya xulalka Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Waa kulankii saddexaad ee laga cayaarayo tartanka gobollada dalka oo si toos ah loogu qabanayo magaalada Muqdisho kaddib burburkii dalka.

Labada xul ayayse cayaartan macno kala duwan u yeelan doontaa galabta marka ay isku dhacaan.

Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku wada jira Group A, oo la aaminsan yahay inuu yahay group-ka ugu adag ee cayaarahan.

Waa kulankii labaad oo ay dheelayaan xulka Koonfur Galbeed, iyagoo kii hore ay Banaadir kala kulmeen jab xooggan oo ah 5-0.

Dhanka Puntland waa kulankoodii u horeeyay, waxayna doonayaan inay guul ku billowdan, xilli ay marti geliyeen cayaarihii kuwan ka horeeyay.

Cayaartan ayaa soo geli doonta galabta saacadda geeska Afrika marka ay tahay 4.00pm galabnimo.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan