Xulalka Hiiraan & Sh.dhexe iyo Galmudug ayaa maanta cayaari doona kulanka ugu danbeeya wareegga is aragga cayaaraha gobollada dalka.
Labadan xul ayaa horaan min kulan lasoo kala cayaaray xulka Jubaland, waana cayaar ku xiran cidda gaari doonta afar dhammaadka.
Hiiraan & Sh/dhexe waxay wadataa saddex dhibcood oo nadiif ah, kaddib guul 2-1 ah oo ay ka gaartay Jubaland, halka Galmudug aanay wax dhibic ah wadan, iyadoo natiijadan mid lamid ah oo guuldarro ah kala kulantay xulka Jubaland.
Galmudug ayaa ku qasban inay guuleysato si ay u xaqiijiso hankeeda ah u gudbidda wareegga xiga ee cayaarahan.
Hiiraan & Sh/dhexe ayaase u baahan inay hesho hal dhibic, si ay u xaqiijiso inay kusoo baxdo booska koowaad ee Group B.
Haddii Galmudug cayaartan ku badiso 1-0 , waxay ka dhignaan doontaa in saddexda kooxood ee Group B ku wada jira ay min saddex dhibcood noqonayaan, oo ay misna ka sinnaan doonaan farqiga dhibcaha oo ah 0.
Cayaarta ayaa soo geli doonta saacadda geeska Afrika marka ay tahay 04.00 galabnimo.