Home / Habka-Nolosha / Horseed oo guul dirqi ah ka gaartay FC Muqdisho

Horseed oo guul dirqi ah ka gaartay FC Muqdisho

Kooxda kubadda cagta Horseed ayaa kulan xiiso badan la dheeshay dhigeeda FC Muqdisho oo ay isku arkeen kulamadda 13aad ee horyaalka Soomaaliya.

Cayaarta ayaa ku bilaabatay qaab weerar iyo weerar celis ku dhisan, iyadoo labada kooxood ay u muuqdeen kuwo hilow u qaba una diyaarsan inay dagaal u galaan sidii ay dhibcaha garoonka loo soo galay midba kooxda kale kaga heli lahaa.

Cayaarta ayaase waqtigii loogu talo galay ku soo idlaatay 3-2 oo guushu ay ku raacday kooxda ciidanka qalabka sida ee Horseed.

Waa kulankii u horeeyay oo xagaagan kooxda Hoseed uu hogaamiyo macallin Cumar Maxamed Naasir Cumar Caruus oo kooxdan la wareegay markii laga eryay macallin Cali Buu.

Macallin Caruus ayaana kulankiisii u horeeyay Horseed ku hogaamiyay inay saddexda dhibcood hesho, waxayna iminka dhibco wadaag yihiin kooxda booska shanaad Gaadiidka oo min 19 dhibcood ay wada leeyihiin, laakin lagu hogaaminayo farqiga goolasha.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan