Home / Habka-Nolosha / Horyaalka kubadda koleyga wareegiisii labaad oo caawa bilaabanaya

Horyaalka kubadda koleyga wareegiisii labaad oo caawa bilaabanaya

Kaddib toddobaad nasiino ah waxaa caawa gegada Wiish dib uga bilaabanaya horyaalka kubadda koleyga Soomaaliya qeybtiisa labaad.

Heegan iyo Gaadiidka ayaana caawa ku balansan horyaalka kubadda koleyga iyadoo Heegan ay tahay kooxda horyaalka daafacaneysaiminkana hogaamineysa markii kulankii u danbeeyay ay loogtay ILS oo booska labaad fadhisa.

Heegan ayaa dooneysa inay sii wadato diiwaanka guuldarro la’aanta ah halka Gaadiidka ay indhaha ku heyso inay ka aargudato Heegan oo lugtii hore kulankii dhacay 25tii December dhulka dhigtay.

Kulanka ayaa soo geli doona saacaddu marka ay tahay 6:30 fiidnimo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan