Hull City oo kasoo laabatay heerka labaad ayaa guuldaradii ugu horeysay dhadhansiisay kooxda horay wacdaraha uga dhigtay England Leicester City.
Robert Snodgrass ayaa gool qurux badan ku quusiyay Leicester City oo iska soo guday gool dhamaadkii qeybta hore hogaanka looga qabtay, goolka xidigii hore Norwich Ayaana ka dhigan mid kala diray wiilasha Renieri
Bilaawga cayaartaba Leicester City ayaa u muuqatay mid xakamayneysa kubadda . Demarai Gray auaana isku dayguu uhu horeyay sameeyay, balse uma suuragalin da’yarka Foxes.
daqiiqadii 25-aad Leicester City ayaa fursad fiican heshay markii Mahrez uu kubad fiican u gudbiyay Danny Drinkwater, laakiin kubadaas si wanaagsan uguma faa’iideysan.
Jamie Vardy ayaa ka qasaariyay Leicester City kubad goolka u furneed markii uu goolhayaha Hull City Jakupovic dhulka dhacay, balse kubadii uu goolka aadiyay waxaa isku dhigay oo shabaqa ka badbaadiyay ciyaariyahanka Jake Livermore daqiiqadii 41-aad.
Hull City ayaa dhalisay goolkii ugu horeeyay ciyaarta iyo kii ugu horeeyay Premier League-ga markii ay shabaqa si wadajir ah usoo taabteen Hernandez/Diomande, labadaan ciyaartoy ayaana si fiican uga qeyb qaatay goolka koowaad markii ay labaduba qalaama-rogaalka ku lugyeesheen..
Qeybta Hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0, oo ay hogaanka ku heyso Hull City oo lagu neynaaso (Tigers) waxeyna gooolkaas kaga mahad celinayaan ciyaartoydooda kala ah Hernandez Diomande.
Labada kooxood ayaa qeybtii labaad kusoo laabtay ciyaarta iyadoon labaduba wax badal ah sameynin, Leicester City ayaana durba bilowday iney sameyso xawaare iyo cadaadis ay saareyso Hull City.
Rigoore ayaa lagu abaalmariyay daqiiqadii 46-aad Leicster City markii xerada dhexdeeda lagu riday Demarai Gray, Tom Huddlestone ayaana qaladkaas geystay, waxeyna timid 15-ilbiriqsi kadib bilowgii qeybtii labaad.
Leicester City ayaa barbaro heshay markii xidigeeda reer Algeria Riyad Mahrez uu gool u badalay rigooradii lagu abaalmariyay bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta.
Robert Snodgrass ayaa hogaanka u dhiibay Hull City markii uu kubad dhulka aan dhicin shabaqa Leicester City dhex dhigay daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta, Simpson ayaana kubadaas banaanka iska soo dhigay ka hor inta aysan u gacan galin Snodgrass..
Riyad Mahrez ayaa u dhawaaday inuu gaaro markii labaad shabaqa Hull City daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta markii uu goolka ku tuuray laad xor ah oo banaanka loo dhigay, balse qatartii waxaa badbaadiyay goolhayaha Hull City.
Labada Weerar ee Leicester City Musa Iyo Vardy ayaa si fiican kubadaha isugu baastay ka hor inta aan laga carqaladeyn kubadii uu Vardy damcay inuu la dhaafo daafaca.
Robert Snodgrass ayaa qalqal galiyay goolka uu waardiyaha ka yahay Peter Schmeichel markii uu laad xoogan ku tuuray, balse goolhayaha reer Denmark si adag ayuu isaga beeniyay kubadii.
Leicester City ayaa ku fashilantay iney barbaro la timaado ciyaarta iyadoo Hull City ay ugu dambeyntii guul ku gaartay 2-1, Renieri iyo wiilashiisa ayaana wajahaya xanuunka guuldarada xili ciyaareedka cusub.