Home / Habka-Nolosha / I.L.S iyo Dekedda oo isku haya horyaalka kubbadda koleyga Soomaaliya

I.L.S iyo Dekedda oo isku haya horyaalka kubbadda koleyga Soomaaliya

Kulan miisaan iyo mug gooni ah xanbaarsan ayaa galabta gegada Wiish Stadium ku dhexmari doona kooxaha kubadda koleyga Dekedda iyo I.L.S oo kamid ah kuwa ugu xoogan kubadda koleyga.

Cayaarta ayaa soo dhici doonta 04:00pm oo galabnimo dhanka geeska Afrika.

I.L.S waxaa u suurto gashay wareegii hore inay dharbaaxo la hesho dhigeeda Dekedda, indhaha ayayna ku heysaa markale inay guul ka gaarto kooxdan oo galabta ay balansan yihiin.

Dekedda iyadu waa ay ka warheysaa hanka dhigeeda I.L.S, iyana dab yar shidimeyso oo qudheedu waxay ku hamineysaa helidda aargudasho jabkii hore moogeysiisa.

I.L.S iminka waxay ku jirtaa booska labaad ee kala sareynta horyaalka kubadda koleyga, guul ay gaarto ayaana ciriiri ku beeri karta kooxda booska koowaad ku jirta ee Heegan.

Dekedda lafteedu meel dheer ma jirto oo booska saddexaad ayay fadhisaa, haddii ay waddo cad marisana dhigeeda I.L.S waxay u sii durgeysaa booska labaad iyadoo nafis gelin doonta Heegan.

Haddii kulanka galabta guul ay raacdo dhanka kooxda I.L.S, waxay ka dhignaan doontaa in 14ka bisha May la dheelo kulan Final ah oo dhexmari doona kooxaha I.L.S iyo Heegan, kulankaa ayaana go’aamin doona cidda horyaalka hanan doonta.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan