Himilo – Zlatan Ibrahimovic ayaa gool ku calaamadeeyay ku soo laabashadiisa garoomada wuxuuna qabsaday baraha bulshada si uu u muujiyo sida jilibkiisa dhaawacmay uu u ekaa saddex bilood ka hor.
Bishii May, Ibrahimovic ayaa dhaawac jilibka ka soo gaaray kulankii Milan 3-0 kaga badisay Juventus, taasoo ku qasabtay inuu seego ololihii UEFA Euro 2020 ee Sweden.
Bishii June, 39-sano jirkaan ayaa jilibka bidix looga sameeyay qaliin arthroscopic ah wuxuuna seegay labadii kulan ee ugu horreeyey Milan ee Serie A xilli ciyaareedkan.
Xiddigii hore ee Inter, Juventus iyo Manchester United ayaa ku soo laabtay garoomada kulankii Lazio axadii, isagoo dhaliyay hal gool qeybtii labaad.
Ibrahimovic ayaa goolkiisa ugu dabaaldegay baraha bulshada isaga oo tusay dadka sawirka jilibka ka dib qaliinkii bishii June iyo sawir uu ku dabaaldegaya Curva ee San Siro.
Milan ayaa Arbacada u safri doonta Liverpool si ay Reds ugu wajahdo kulankooda ugu horreeya Champions League muddo ka badan toddoba sano.