Home / Macluumaad / Idaacadda Himilo oo qabanaysa Munaasabad lagu furayay tartan Quran Aqris.

Idaacadda Himilo oo qabanaysa Munaasabad lagu furayay tartan Quran Aqris.

Muqdisho – Munaasabad lagu furayay tartan Qur’an oo ay soo qaban qaabisay idaacadda Himilo ayaa lagu qabtay isla xarunta warbaahinta. Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira lakabyada ugu sarreeya idaacadda, Jaamacadda Muqdisho; waalidiin iyo ardayda ka qeyb-gali doonta tartanka.

Munaasabadda oo kal-fadhi dhan laba saac kusoo gabagabowday ayaa loogu diyaar-garoobayay bilaabashada tartanka Qur’an aqriska oo beritto ka bilan doono xarunta warbaahinta Himilo ee Muqdisho.

Madaxda iyo mas’uuliyiintii kala duwaneyd ee munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda iyo dadaallada loogu jiro baahinta kheyrka maadaama nacabka Islaamka ay isku dayayaan halgan adag oo ay ku daminayaan iftiinka Qur’anka.

Warbaahinta Himilo ayaana horay u qaadaysa tallaab kasta oo lagu xoojinayo faafinta iyo muujinta shacaa’irta Islaamka, marka loo eego guddoomiyaha idaacadda, Dr. Mahdi Maxamed Abuubakar oo sheegay in dunta laga leeyahay tartanka ay tahay in dhageysiga Qur’anka ay dhageystayaashu ku xasilaan – iyo in la dhiirri-geliyo da’yarta xanbaarsan qowlka Alle.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho, Prof. Dr. Maxamed Xuseen Ciise oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku bogaadiyay maamulka idaacadda tallaabadan. Wuxuuna ugu yeeray ardayda ku tartamaysa kuwa sida farriin aysan gaaladu jecleysan.

Marka loo eego agaasimaha Idaacadda Himilo, ustaad Aweys Xuseen, ujeedo badanta tartanka waxaa ugu muhiimsan in mar kasta maanka lagu hayo heerka hadba faca soo koraya ay ka joogaan barashada diinta. Baahintanina ay dirayso farriin ah in wali Qur’anku uu yahay mid ku nool quluubteenna.

Tartanka waxaa taabba-gelinaya Machadka U adkeysiga Musiibooyinka oo lagu soo gaabiyo afka qalaad SDRI. Waxaaana fulinaysa idaacadda Himilo. Cabdulaahi Aadan oo ka socday Machadka ayaa sheegay in dunidu aysan ka idlaanayn dhibaatooyin; Qur’ankuna uu yahay mid xalka ina Aadan had iyo jeer u taagan siiba umadda Muslimka.

Ku dhawaad 35 arday oo ka kala yimid inta badan degmooyinka gobalka Banadir ayaa ku tartami doona 30 –ka Jus. Sida qorshuhu yahayna, waxaa la dhowrayaa in 15-ka maalin ee ugu danbeysa bisha Ramadaan lagu soo af-meero. Da’da loo cayimay inay qeyb ka noqdaan tartanka ayaa ka hooseeya da’da 15-jirka.

Si kastaba, guulaystayaasha ugu danbeeya ee kusoo baxa tartanka waxaa la guddoonsiin doonaa abaal-gudyo ay ku farxaan.

Isha: radiohimilo.so.

IMG_0264 IMG_0279 IMG_0283 IMG_0306

_____________

Warbixintan waxaa wada diyaariyay: Maxamed Qadar Abdi Maxamed iyo Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan