Himilo – Xiddiga qadka dhexe ee reer Senegal Idrissa Gana Gueye ayaa dhameystiray heshiiska uu kaga mid noqday Paris Saint-Germain isaga oo ka yimid Everton, kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa xaqiijisay Maanta.
Kooxda Paris St-Germain ayaa ku faraxsan inay ku dhawaaqdo saxiixa Idrissa Gueye!” Naadiga waxa ay soo dhigtay barteeda twitter-ka sawirka “Gana” oo heysata Funaanadooda oo ku xardhan magaciisa iyo lambar-ka 27aad.
29-sano jirka, oo gaaray semi-finalka koobka qaramada Afrika ee Senegal, ayaa waxaa horay u mijisay xiisaha ay u hayso PSG intii lagu jiray suuqa kala iibsiga Janaayo. Waxaa sidoo kale lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo Manchester United.
Gueye ayaa saxiixay heshiis afar sano ah oo ilaa 2023-ka , Paris St-Germain ayaa kula soo saxiixatay xiddiga qadka dhexe ee Everton lacag dhan 30 milyan ginni.
Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u saxiixo Paris Saint-Germain, ”ayuu u sheegay website-ka kooxda.
“Ka dib markii aan diirada saarayay AFCON iyo xulka Senegal, waxaan doonayay inaan dhiiro gelin cusub siiyo mustaqbalkeyga naadiga markii aan ku soo biiray Paris Saint-Germain, oo ah mid ka mid ah naadiyada ugu tunka wayn Yurub.
“Ma sugi karo inaan qaato jawiga cajiibka ah ee Parc des Princes, taasoo iga yaabisay xilli ciyaareedkeygii ugu horreeyay ee France.”
Gueye ayaa 7 xilli ciyaareed la qaatay kooxda Lille intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2015 ka hor inta uusan u dhaqaaqin England si uu ugu biiro Aston Villa sanadkii 2016, isagoo ciyaaray 108 kulan seddex xilli ciyaareed oo uu la joogay kooxda Toffees-ka.