Home / Aragtida Islamka / Ilaalinta Ballanta,warbixin, dhegeysi

Ilaalinta Ballanta,warbixin, dhegeysi

Ilaalinta ballantu waa lagama maarmaan. Waa arrin la isku raacsanyahay oo la wada ogolyahay goob kasta iyo dhaqan walba oo adduunka ka jira.

Si dadku ugu wada shaqeeyaan si hagaagsan oo meelmar ah, waxaa lamahuraan ah in la ilaaliyo balanta. Ballanta la ilaaliyaa waxay keentaa in dadku isaaminaan, isku tiirsanaadaan oo ay kalsooni badan isku qabaan.

Ilaalinta ballantu waxay kale oo ay kor u qaaddaa niyad samaanta, waxayna dhiirigelisaa isku tiirsanaanta iyo firfircoonida, Faa’iidooyinka iyo waxtarka  ballanta la oofiyaa waa wax aad u ballaaran, mudanna in la aqoonsado oo tixgalin weyn la siiyo.

Oofinta iyo ilaalinta ballanta si weyn ayaa loogu xusay diinta Islaamka, Aayaad iyo axaadiis badan ayaa ku soo arooray arrintaa. Aayadda caanka ah ee ku bilaabata: Wa uufuu bil cahdi innal cahda kaana masuulaa iyo xadiiska sida weyn loo xigto ee isna ku bilaama: Kulukum raacin wa kulum mas’uul can raaciyatihi ayaan ka bid ah naska faraha badan ee ina faraya inoona  muujinaya sida lagamaarmaanka ay u tahay ilaalinta iyo oofinta ballantu.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan