Home / Madadaalo / Ilaaliye xaday Shinbiro oo loo qalqaalinayo xabsi shan sanno ah

Ilaaliye xaday Shinbiro oo loo qalqaalinayo xabsi shan sanno ah

Himilo – Ilaaliye xarun xayawaanada lagu xanaaneeyo oo ku taala Ingiriiska ayaa la dhageynasanayaa kiiskiisa, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu xaday shan shinbirood oo kala jaad ah.

Bradley Tomes, oo 25-jir ah, ayaa lasoo qabtay isaga oo iibiyay laba kamid ah shinbirahan oo kamid ah noocyada naadirka ah ee kasii dabar go’aya dunida.

Waxaa la rumeysan yahay inuu ka macaashay lacag dhan 25-Milayan oo doolar.

Tomes, ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu xaday si qarsoodi ahna u iibiyay 12-Shinbir bishii July ee sanadkii 2018-kii.

Waxaa la filayaa in kiiskiisa go’aan laga gaaro Oktoobar-ta ina soo aadan, waxa uuna wajihi kara xabsi gaaraya Shan sanno.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan