Himilo – Sida shaacsan umadaha mustaqbalkooda iyo sii socoshada ilbaxnimadooda waxaa aad uga qeyb qaata jiilalka ka danbeeyo jiilka waqtigaas taagan iyo sida jiilka loo wakiishay sii wadista farriinta umadiisa uu u heysto uguna diyaarsanyahay hormarinta ilbaxnimada ey ka dhaxleen jiilkii ka horreeyay, hawshaas qori isku dhiibka ah waa howl umadaha ay sameeyaan ku talagal ahaan ama si caadi ah.
Hormarka umadaha si guud wuxuu kasoo billaamay fahamka arrimaha nolosha aasaasiga u ah sida dharka, cuntada, hanti sameynta iyo degaameysiga ilaa markii danbe umadaha ay billaabeen fahamka arrimaha wax wada qabsashada sida, waxbarashada, ganacsiga, nidaamka, siyaasada iyo wax wada difaacashada. fahanmkaas ibna’aadamka u kordhayay ee dhinacyada nolosha waxaa sii kaalmeenaayay arrimo ay ka mid yihiin diimaha iyo cilmiyada ina aadan uu ku kasbanayay baahida jirtay awgeed.
Umadahii ku jiray halgankaas ilbaxnimada waxey u qeybsameen ummado ay u suuro gashay in ay abuuraan dhaxdhigyo xooggan oo ay ka dulkaci karaan dhammaan isku dayada la xiriirta sii hormarinta ilbaxnimadooda oo ay wadaan jiilalka danbe iyo ummado halgankooda ilbaxnimada uu u dhexeeyo u laabashada ilbaxnimadii bilowga aheyd ee ka ag-dhaweyd nolosha xayawaanada iyo sii joogista ilbaxnimada yar ee la xaqiijiyay taas oo wax yar dhaanta nolosha xayawaanada duurjoogta ah.
Soomaaliya iyo ummadda soomaaliyeed markii si daggan loo qiimeeyo waxaa soo baxeysa in ay ku jirto umadaha la halgamaya sii joogista ilbaxnimada yar ee ibna’aadamka xaqiijiyay ilbaxnimadaas oo aan dhaafsaneyn barashada qaadashada dharka , cunto cunista , hanta sameynta iyo degaan abuurista, iyadoo xitaa mararka qaar ay bannaantahay in laga baqo in Soomaalida ey dib uga noqdaan ilbaxnimadaas aAsaasiga ah maadaama eysan jirin awoodo saas ah oo ey ku tiirsantahay ilbaxnimadaan bilowga ah, ilbaxnimada oo ah in dadka ay hormariyaan qaab u fekerkooda arrimaha nolosha sida wadanoolashaha iyo wax wadaqabsiga ayaa leh awoodo saddex ah oo haddii ay si saxan isku-la-falgalaan ey abuurmeyso dhaxdhig ama garoon billaabi kara in ay ka dulkacaan dhammaan isku dayada lagu sii hormarinayo ilbaxnimada ibn’aadamka, saddexdaas awood waxey kala-yihiin caqliga ibna’aadamka oo u taagan inuu ku dhiiro galiyo noolaha ibna’aadamka buuxinta baahida dhammeystirka, awooda labaad ee ka qeybqaadata dhaxdhiga ilbaxnimada waa diinta oo ibna’aadaka u noqota xakameeyaha dadaaladiisa uu ku buuxinaayo dhameystirka baahida uu ku doonaayo inuu gaaro heerka dhameystirka, iyo aqoonta oo iyadana ah sii ballaariyaha fursadaha ibna’aadamka uu iskugu dayayo hormarinta ilbaxnimadiisa. saddexdaas awoodood oo isku tagay wexey abuuraan sidoo kalana ka qeeb qaataan sii socoshada ilbaxnimaa ibna’aadamka iyo dadaalada lagu hormarinayo, lakiin midda la rabo in aan xasuusnaano waxa waaye in ay suurto gal tahay ilbaxnimada qaar oo ey xaqiijiyeen umadaha qaar in eysan kulansan awoodahaas saddexda ah hadana ey xaqiijiyeen hormarro macquul ah oo dhanka ilbaxnimada ah.
Billownimada ilbaxnimada Soomaalida waxaa cadDeen u ah in markii miisaanka ilbaxnimada la saaro iney soo baxeyso iney xaqiijiyeen gaarista fahanka arrimaha uu xaqiijiyay ibna’aadamka bilowga ah sida arrimaha cuntada, xoolo raadinta iyo is asturida dhanka dharka, hase yeeshee markii aan damacno inaan ka fiirino Soomalida hadDii ey xaqiijiyeen u gudbista xaqiijinta hormarinta ilbaxnimada ibn’aadamka bilowga ah sida waxbarashada, gancsiga, nidaamka, siyaasadDa iyo wax wada qabsashada waxaa soo baxeyso in intaas ama wax ka agdhow eysan xaqiijin kuna jiheysneyn xitaa xaqiijinta hormarinta ilbaxnimada bilowga ah oo ey kasbadeen, fahamka in ummaddeena eysan ku jiheysneyn hormarinta ilbaxnimada ey heystaan wexey aragti kaa siineeysaa in ugu yaraan aysan jirin ilbaxnimo hormarsan oo jiilalka ey isku gudbiyaan balse larabo in ilbaxnimada Soomaaliya hadda labilaabo iyadoo lagu xisaabtamaayo muhiimada Ay leeyihiin awoodihii saddexda ahaa ee ka qeybqaadanayay aasaaska iyo sii socoshada ilbaxnimada.
W/Q : Dr Abdi Naasir Shide ( dhaqtar iyo fallanqeeye arrimaha siyaasadda dalka )
Aragtida maqaalkanna waxey gaar u tahay qoraha, kamana tarjumeyso siyaasadda Radio Himilo.