Home / Cayaaro / Ilkay Gundogan oo laga helay COVID-19

Ilkay Gundogan oo laga helay COVID-19

Himilo – Gundogan ayaa noqoday xiddigii ugu danbeeyay ee ka tirsan kooxda Manchester City ee laga helo Feyruska Corona.

City faah faahin kama bixin xaaladda Gundogan marka laga reebo inay sheegtay inuu galay xaalad Karantiil ah oo qaadan doonto 10-cisho.

“Qof waliba oo ka tirsan City waxa uu u rajeynayaa Ilkay soo kabasho deg deg ah” ayey kooxdu ku tiri qoraal ay soo saartay.

Laba todobaad kahor ayey ahayd markii City shaacisay in xiddigaha Riyad Mahrez iyo Aymeric Laporte laga helay COVID-19.

Manchester City ayaa caawa ciyaari doonta kulankeedii ugu horreeyay ee horyaalka, iyada oo wajahi doonta Wolverhampton Wanderers.

Macalin Pep Guardiola, ayaana wajahaya kala xulasho jahwareer leh, ka hor kulanka caawa.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan