Muqdisho – Loo yaqaan Suuqa Hooyooyinka, Ima Keithel waa suuq haween-weynaha adduunka ay ku ganacsadaan kan ugu weyn. Dacalladiisa iyo meel kasta oo kamid ah waxaa ku gacansada dumar. Cimrigiisu wuxuu gaarayaa 500 oo sanadood. Wuxuuna ku yaallaa bartamaha Imphal, gobalka Manipur ee dalka Hindiya.
Waxaa ku ganacsada haween gaarayaa 4,000-5,000; maalin kastana waxaa macmiisha timaada la macaamila haween oo kaliya.
Suuqu sidoo kale wuxuu bu’ u noqday xarun doodeedka furan iyo wadahadalka ee dowladda iyo ururrada haweenka. Taariikhdiisa waxaa dib loogu celiyaa markii Manipur uu ka talin jiray boqorradii Muslimiinta mid kamid ah. Waxa cajiibka ah ayaa ah in suuqa ay kaliya ku ganacsan karaan haweenka la qabo.
Waxaa jira caqabado xilligii gumeysiga Ingiriiska iyo sanadihii dhawaaba ku wajahnaa suuqa kuwaas oo xagal-daacin ku wada jiritaanka gaaroodiga ah ee seyladani kaga duwan tahay inta kale. Waqtiga kaliya ee suuqani xirmay waa xilligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka WW2.
Sanadkii 2003, dowladda ayaa isku dayday in suuqan laga dhigo mid casri ah oo la jaanqaadi kara suuqyada kale, hayeeshe waxaa diidmo xooggan kala hor yimid urur-weynaha haweenka ee Hindiya. Hadda waxaa lagu habeeyey doonista haweenka. Waxaana loo dhisay si kasii fiican sidii hore.
Fursadaha cajiibka ee suuqani kuwa kale kaga duwan yahay waa in haween kala diimo, dhaqamo iyo caadooyin ah ay ku midaysan yihiin. Waxaa intaas dheer, wuxuu soo jiitaa indhaha dal-xiisayaal badan oo dunida inteeda kale kaga yimaada Hindiya.
Ima Keithel wuxuu leeyahay laamo kala gedisan oo lagu iibiyo adeeg iyo agabyo kala duwan.
“Kanina waa mid lamid ah ganacsiga qoyska ee lagu yaqaan xaafadaha – homebusiness, waxaana aan fadhiyaa isla goobtii ay ku ganacsan jireen waalidiintayda,” Anoubi Devi, oo 81-jir ah ayaa u sheegtay Indian journalist Nilesh Wadhwa.
Daraasad ayaa tilmaantay in suuqan haweenka ku ganacsada ay helaan dakhli ku dhow celcelis dhan $1,000-$3,000 sanadkiiba.
Marka loo eego dr. Pukhrem, suuqa waxaa wali ku foolan caqabado kaga imaanaya suuqyada kale iyo la-qabsi la’aanta tiknoolojiyadda casriga ah.
Si kastaba, Ima Keithel wuxuu gabaad iyo meel fursaduhu nageeyaan u noqday haweenka ku nool Manipur kuwaas oo qeyb lixaad leh kasoo galay kobaca dhaqan-dhaqaale ee dalka Hindiya.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.