Home / Habka-Nolosha / Imisa ayuu Philippe Coutinho garoomada seegayaa?

Imisa ayuu Philippe Coutinho garoomada seegayaa?

Muqdisho – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona iyo xulka Brazil Philippe Coutinho ayaa garoomada ka maqnaan doona labo ilaa seddex isbuuc, Barcelona ayaa sheegtay in baaritaano caafimaad ay muujinayaan in Coutinho uu leeyahay “dhibaato yar” oo ah muruq aan la magacaabin.

Coutinho ayaa  dhaawacmay kulankii Talaadadii ay barbaraha 1-1 la galeen Inter Milan  Champions League, Hayeeshee waxa uu dhameystay 90 daqiiqo kulankii San Siro, isagoo caawiye ka ahaa goolkii Malcom.

Coutinho ayaa seegi doona kulanka Axada ay la ciyaari doonaan Real Betis, iyo ciyaaraha heerka caalami marka Brazil ay ciyaar saaxiibtinimo la ciyaarayaan Uruguay iyo Cameroon.

Barcelona ayaa wajaheysa booqasho muhim ah oo ay ku tageyso Atletico Madrid 24, November, kadibna u safreysa Netherlands si ay ula soo ciyaaraan PSV bisha November 28.

Maqnaashiyahiisa ayaana dhaawac kale ku ah Barca oo ay ka maqan yihiin xiddigo muhiim ah, Tan iyo xilli ciyaareedkaan inta uu bilawday Coutinho waxa uu u dhaliyay  Barcelona Shan gool.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan