Himilo- Magaalada London ayay ka duushay diyaarad sameysay duulimaadkii ugu dheeraa caalamka sida uu qoray wargeyska Mirror ee dalka Ingiriiska.
Duulimaadka diyaarada ayaa socday 19 saacadood. Rakaabka ayaa qaatay hurdo inka badan 6 jeer iyada oo wali diyaarada ku jirto duulimaad.
Waxaa sidoo kale rakaabka u suura gashay inay wakhti badan ku qaataan gudaha diyaarada, waxayna noqotay inay si fiican isku bartaan.
Diyaarada ayaa si nabad ah ku tagtay garoonka Sydney oo ay ku sii jeeday sida laga soo xigtay Mirror.