Himilo FM –Saacadaha soonka ee dalalka caalamka ayaa kala duwan bisha Ramadaan, waxaana ugu wacan wakhtiga habeenkii oo lagu kala gedisan yahay.
Sida laga soo xigtay shabakadda Rotana, Aljeeriya ayaa noqonaysa dalka carbeed ee saacadaha ugu badan laga soomayo sannadka 2019. Dadka Aljeeriya waxay af xernaan doonaan muddo 16 saacadood ah billowga illaa dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.
Tan caksigeeda, Soomaaliya ayaa laga soomayaa saacadaha ugu yar, waxaa la tilmamayaa 13 saacadood iyo 30 daqiiqo.
Sacuudiga: 14 saacadood iyo 40 daqiiqo
Imaaraadka Carabta: 14 Saacadood iyo 33 daqiiqo
Kuwait: 14 Saacadood iyo 55 daqiiqo
Cumaan: 14 Saacadood iyo 31 daqiiqo
Baxreyn: 14 Saacadood iyo 42 daqiiqo
Joordan ama Urdun: 15 Saacadood iyo 12 daqiiqo
Falasdiin: 15 Saacadood iyo 4 daqiiqo
Syria: 15 Saacadood iyo 17 daqiiqo
Lubnaan: 15 Saacadood iyo 15 daqiiqo
Masar: 15 Saacadood iyo 3 daqiiqo
Ciraaq: 15 Saacadood iyo 15 daqiiqo
Moroko: 15 Saacadood iyo 16 daqiiqo
Yaman: 14 Saacadood iyo 7 daqiiqo