Home / Madadaalo / India: Hooyo iyo gabadheeda oo maalin qura guursaday!

India: Hooyo iyo gabadheeda oo maalin qura guursaday!

Himilo – Da’deedu waa 53-jir halka gabadheeduna tahay 27-jir waxaa guurgoodu uu ka dhacaday hal goob gobolka Utter Predesh ee dalka India, waxaase sheekadan xiisaha u yeela in guurgoodu dhacay hal maalin.

Arooska oo noociisu ku ahaa mar la arag dadka ku nool degmada Gorakhpur waxaa ka qeyb galay maamulka degmada iyo 63 lammaane, balse gabadha iyo hooyadeed waxay ahaayeen kuwa ugu xiisaha badan oo dadku daneynayeen iney arkaan.

Hooyo Bela, ayaa waysay seygeedii harihar, 25 sano kahor markaas oo ay dhexda u xiratay korinta seddaxdeeda gabdhood iyo labadeeda wiil, halkii ay markiiba ka guursan lahayd. Waxeyse ugu danbeyntii guursatay 55-jir ilmaha adeerkood ah (Dumaal), kaasoo aan wali guursan.

“Waxaan ballan qaaday inaanan guursan tan iyo inta ay caruurteyda ka aqal gaayaan. Aad ayey u faraxsan yihiin” ayey u sheegtay Bela warbaahinta gudaha iyada oo sii raacisay, “Labadeydii wiil iyo labadii gabdhood ee kale waxay guursadeen kal hor. Waxaan go’aansaday inaan guursado markaan u guuriyo yaraanteyda oo guurkeeda uu hadda soo gabagaboobay”.

Gabadheeda Indu waxaa farxadda aqal-galkeeda u wehlinayay tan hooyadeed oo muddo carmal ahayd. “Hooyadeed iyo adeerkeey muddo ayey i daryeelayeen waan ku faraxsanahay maanta inay iyagu is daryeeli doonaan” ayey tiri iyada oo farxadi ka muuqato.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan