Home / Arrimaha Bulshada / India: Lammaane isku guursaday biyo dhexdood!

India: Lammaane isku guursaday biyo dhexdood!

Himilo – Maalintii xafladda arooskooda ayay lammaanayaashan  sameeyeen arrin noqotay middii ugu horreysay ee ka dhacda waddanka India  kaddib markii ay biyo hoos u quuseen 60 feet badweynta xeebta Neelankarai.

Chinnadurai iyo Swetha waxay isku guursadeen biyo hoostood! Caruuska iyo aroosadda ayaa maalinkii meherkooda subixii u soo kallahay xeebta iyadoo xiran dharka dhaqameed iyo qalabka neefta.

“Waxay ahayd xaflad dhaqameed guur, sidoo kale waxay aheyd midda keliya ka dhacda biyo dhexdooda hoose, waxaan quusnay subixii hore, waxaana is dhaafsanay haddiyado.” Caruuska ayaa sidaas yiri.

Isagoo 12 jir ayuu bartay sida biyaha loo quuso, muddo bil ah ayuu gabadha tababarayay. Aroosadda waxay tiri soo jeedinta in aroosku ka dhaco biyaha dhexdooda waxaa lahaa qoyska wiilka.

Lammaanahan dhigtay arooska cajiibka ah waxay sheegeen in dhammeystirka xafladooda biyaha lagu dhex qabtay ay qaadatay 45 daqiiqo.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan