Himilo – Doddappa waa 40 jir ka soo jeeda India wuxuu sameeyey arrin soo jiitay dadka kula nool Karnataka. dhawaad 10 saacadood ayuu saarnaa geed isaga oo codsanayay inay dib ugu soo laabato xaaskiisa oo shan sano ka hor ka tagtay kaddib murankooda oo joogto noqday.
Daddoppa, wuxuu sheegay inuu aad ugu dhibtooday xannaanaynta carruurta iyo hawlaha guriga. Horey xaaskiisii koobaad ayaa sidan oo kale uga tagtay 20 sano ka hor waa ta keentay in loo wada damqado.
Dadka degaanka iyo saddex wiil oo uu dhalay ayaa isugu soo uruuray gunta hoose geedka uu fuushanaa ninkan aragtiday ku dhiiraday, waxay mar iyo marar ka dalbadeen inuu soo dego, maadaama uu ku fadhiyay mid ka mid ah laamaha sare geedka oo ay adkayd in sahal lagu koro.
Siddeed saac ayuu Doddappa saarnaa geed qumbe aad u dheer, wuxuu diiday inuu ka soo degto ilaa ay uga soo laabato xaaskiisii, balse dadka ayaa in badan isku hawlayay kana codsaday inuu geedka ka soo degto iyagoo ka cabsanayay dhibaato kale inay dhacdo.
Ugu dambayn waxay ka fursan wayday in Boliiska arrinka lagu wargeliyo kuwaas Doddappa ugu bishaareeyay inay dib ugu soo laabaneyso xaaskiisa kuna qanciyay inuu soo dego, waxaa suura gashay inay qoyskan dib u midoobaan shan sano kaddib.