Home / Habka-Nolosha / India: Wiil bukaanada COVID-19 ee saboolka ah siiya cunno lacag la’aan ah

India: Wiil bukaanada COVID-19 ee saboolka ah siiya cunno lacag la’aan ah

Himilo  – Geesiyada waxaa la arkaa xilliyada adag. Taniyo soo ifbixii COVID-19 waxaa soo bannaan baxayay shaqsiyaad naftooda u huraya inay dadweynaha ka badbaadiyaan Cudurka iyagoo dedaal kasta u sameynaya samata-bixinta kuwa u baahan gargaarka.

Dalal badan aafada Karoona waxay u noqdeen dhibbane, wuxuu u geystay saameyn dhinac walba leh. Ilihii dhaqaale ayaa noqday kuwo istaagay ama uu yaraaday dakhliga laga helo. Bukaanada qaar ayaa awoodi waayay inay is- daweeyaan iyo helidda quudkooda.

India waxay ka mid tahay waddamada uu aad u saameeyay cudurka iyadoo horey dalkan ay u joogeen dad badan oo sabool ah. Wiil la yiraahdo Sandeep Sharma ayaa go’aansaday inuu bukaanada Karoona ee Deggaankiisa ee danyarta ah uu siiyo cunno bilaash ah.

Sheekadiisa ayaa aad loogu wadaagay baraha bulshada. Ficilkiisa wuxuu ku hantay qalbiyada dadkiisa. Dadweynaha ayaa aad u bogaadiyay hawshiisa sama-falnimo. Wuxuu qorsheynaya inuu quudiyo 250 bukaan oo ah ugu saboolsan ee u baahan taakuleynta.

Bukaanada uu caawinayo Mr Sharma waxay ku jiraan isbitaal ku yaalla waqooyiga caasimadda New Delhi. Arrinta la hadal  hayo ayaa ah sida wiilkan oo aan aheyn qani isla markaana aan ka shaqeynin shaqo wen uu ugu dhiiraday inuu cunno lacag la’aan ah  siiyo bukaanada u baahan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan