Himilo – Wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda gobolka Bihar ee koonfurta India ayaa galay qalliin qaatay saddax saacadood kaas oo looga saaray 82 ilig oo dheeraad ah.
Marka laga hadlayo Bani aadamka kuwa gaan gaarka ah waxay ilkahoodu gaaraan 32 ilig haddii aysan jirin xaalad dheeraad ah. Dhakhaatiirka ayaa sheegay xaaladda wiilkan inay ahayd nadir.
Nitish Kumar oo 17 jir ah, wuxuu shantii sano ah ee la soo dhaafay la dhibbanaa buro weyn oo labadiisa daan dabooshay.
Muddo uu ka fekerayay sidii uu xal ugu heli lahaa mushiladiisa, wuxuu talo ka helay dhakhaatiir wax ka dhiga machadka sayniska ee Gandhi.
Sannadkii hore wiilkan ayaa galay qalliin looga bixiyay ilig dhererkiisu ahaa 3.9 cm kaas oo loo diiwaan geliyay iligii ugu dheeraa dunida ee ka arko.