Himilo – Waa wax cajiib ah in hindisuhu dhaliyo in lugaha digaagga laga sameeyo kabo, waxaa laga yaabaa inaad markiiba is weydiiso kabahaasi yaa xiran kara? Waxaa kaaga jawaabaysa sheekada Nurman Farieka Ramdhany.
Waa 25-jir u dhashay Indonesia oo ku nool magaalada Bandung waxa uu is weydiiyay maalin sidee loo yareyn karaa beerdareynta waxyaabaha faa’iidada u leh aadanaha ee sanad waliba lagu daro qashinka?, isaga oo tusaalle kasoo qaatay lugaha digaagga oo uu u arkay kuwo iftiin kale bixin kara.
Waxa uu hindisihiisa la wadaagay aabihii oo rogrogay bal sida haddii kabo laga sameeyo maqaarka yar ee qafiifka ah ee lugaha digaagga u xiisa galin doonto dadka, lacagna looga sameyn karo, markii ay isku raaceen inay tijaabiyaan ayaa sanadkii 2017-kii Ramdhany billaabay soo saaristooda.
Hadda isaga iyo shan ruux oo kale oo uu ku jiro aabihii ayaa ka shaqeeya soo saarista kobo qeyb ahaan amaba gabi ahaanba ka sameysan maqaarka lugaha digaagga. Halkii joog ee kabahaasi ahna waxey ka sameeyaan 45 digaag lugahooda waxaana la iibiyo qiima u dhaxeeya $35 illaa $140.
“Wasaqdu waa ay badan tahay waana sababtaas tan igu dhalisay hindisahan qiimaha badan ee shaqeeyay” ayuu yiri Nurman Farieka Ramdhany oo sheekadiisa uu soo xigtay wargeyska Gulf today.
Sida uu sheegay dhiirigalinta kaga imaaneysa suuqyada ay u iib geeyaan wax soo saarkooda rag iyo dumar-ba ay xiran karaan, ayaa ku riixay inuu howshaasi sii wado. Kabahaasi ayuu xusay inay yihiin kuwa jilicsan oo luguhu u bogayaan.