Home / Habka-Nolosha / Indonesia: Qarashaadka dugsiga waxaad ku bixin kartaa Qumbe

Indonesia: Qarashaadka dugsiga waxaad ku bixin kartaa Qumbe

Himilo – Qoysas badan ayaa xilligan awoodin inay bixiyaan qarashaadka dugsiyada ay dhigtaan Caruurtooda, markii ay waayeen ilihii uu kasoo gali jirey dakhliga feyruska karona awgii.

Waxey taasi mugdi galiyay waxbarashada dhallaan badan. Balse markaan Dugsi hooy ah oo ku yaala Indonesia, ayaa qaatay go’aan cajiib ah oo soo jiitay dad badan, kaas oo caawinaya caruurta waxbarashadu ka istaagtay.

The Venus One Tourism Academy oo ku yaala jaziiradda Bali ayaa ku wargeliyay ardayda kasoo jeedda qoysaska ee dhaqaale xumida wajahaya inaysan isku dhibin keenista lacag cadaan ah ee miraha qumbaha ay ku bixin karaan qarashaadka bilaha ah ee dugsiga. Haddii ay waayaan qumbe waxaa loo ogolaaday inay keenaan caleenta geedaha Moringa iyo Gotu kola.

Wayan Pasek Adi Putra, maamulaha dugsiga ayaa u sheegay mareegta Bali Puspa in qumbaha ardaydu keenaan laga sameyn doono saliidka halka caleenta geedaha Moringa iyo Gotu kolana laga soo saari doono saabuun dabiici ah. Lacaga kasoo xarooda wax soo saarkaasi- oo lagu iibin doono gudaha dugsiga- ayaa lagu taageeri doonaa hawlaha uu hayo dugsiga, sida uu daabacay Bali Sun.

Qumbaha dibadda loo dhoofiyo, Indonesia waxey ka faa’iidaa sanadkii adduun dhan $247.02M, iyadoo halkii kiilo garaam ee qumbe ah gudaha lagu kala iibsado lacag ku dhaw 16,000 oo shilin soomaali.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan