Home / Habka-Nolosha / Ingiriiska oo waqtigii dheeriga kala dhantaalay Wales

Ingiriiska oo waqtigii dheeriga kala dhantaalay Wales

Xulka qaranka Ingiriiska ayaa kulan xiiso gaar ah xanbaarsan bugcadda Stade Bollaert-Delelis kula cayaaray xulka ay xifiltamaan ee Wales, kulan ay u soo xaadireen 35,000 oo taageere.

Gareth Bale ayaa gool dhallinta bilaabay isagoo daqiiqaddii 42aad hogaanka u dhiibay Wales oo qeybtii hore ee cayaarta iyadu hogaanka heysay.

Jamie Vardy oo bedel kusoo galay ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Saddexda Libaax daqiiqaddii 56aad ee cayaarta.

Waqtigii dheeriga ahaa ayaa la isla gaaray oo saddex daqiiqo ayuu cayaarta ku daray garsoore Felix Brych, waxaase ka faa’iday wiilasha macallin Hodgson oo Daniel Sturridge ayaa goolka guusha Ingiriiska u dhaliyay.

Ingiriiska ayaa iminka booska koowaad kaga jira Group B isagoo leh 4 dhibic, Wales ayaana booska labaad la fadhisa saddex dhibcood.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan