Himilo FM – Andres Iniesta ayaa isu u arka in uu noqonayo tababare mustaqbalka laakiin ma ahan mid la xiriirta inuu hoggaamiyo Barcelona.
Laacibkii hore ee Spain iyo Barcelona ayaa wakhtigiisa dheer ee Camp Nou soo gabagabeeyay horraantii sannadkan markii uu ku biiray kooxda Ji League Vissel Kobe taasi oo ah kooxdii ugu danbeysay oo uu ciyaaro xirfaddiisa kubadeed.
Waxa uu ku guuleystay sagaal horyaal oo La Liga ah iyo afar Champions League oo uu la qaaday Blaugrana, waxaana uu u maleynayaa in uu marayo khibradahaasi marxaladdiisa xigta kaddib marka uu kabaha dhigo.
“Ma garanayo waxa aan mustaqbalka qaban doono,mana dhahayo in aan jeclaan lahaa in aan noqdo tababaraha Barca laakiin ma dhihi karo waa wax aan ka fekerayo” ayuu 34 jirkan u sheegay Mundo Deportivo.
“Haa, waa run in marxaladda waqtiga,waxaan la soo kici doonaa aragtida ah in aan noqdo tababare, anigu waxaan arkayaa nafsadeyda laakiin waxaan filayaa marka aan ka tago kubadda wax walba way ka duwanaan karaan, waan arki doonaa sida ay wax noqdaan.”
Waxa uu hadalkiisa raaciyay “waxaan jeclaan lahaa in aan halkaan ku soo laabto [Barcelona],waxaan dareemayaa in uu yahay gurigeyga iyo mustaqbalkayga,waxaan rajeynayaa in aan soo gudbin karo waxa aan bartay iyo waxa aan dareemay. “