Home / Cayaaro / Insigne maxay tahay waxa uu doonayo in uu xaliyo ka hor xagaaga cusub?

Insigne maxay tahay waxa uu doonayo in uu xaliyo ka hor xagaaga cusub?

Himilo – Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Napoli ee Lorenzo Insigne ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu iska ilaaliyo in uu ku biiro kuwa heshiiskoodu dhacayo 2021-22.

Il Mattino ayaa warinaya laacibka reer Talyaani, kaasoo sii waday inuu wacdaro ka dhigo Azzurri tartanka Euro 2020 xagaagan, wuxuu doonayaa inuu xaaladdiisa hagaajiyo ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Insigne ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Napoli todobaadyadii la soo dhaafay, maadaama qandaraaska uu kula joogo kooxda Partenopei uu dhacayo hal sano laga bilaabo haatan oo ku beegan June 2022.

Wargayska ayaa shaaca ka qaaday in wakiilka Aurelio De Laurentiis uusan si rasmi ah u furin wadahadalo lagu cusbooneysiinayo heshiiska kabtanka sidaasna ay ku sii socoto sheekada ku saabsan mustaqbalka 30 jirka

Insigne wuxuu kusoo qaatay 12- sano  kubada cagta Azzurri, laakiin waxaa amaah lagu siiyay horaantii xirfadiisa si uu khibrad uga helo Cavese, Foggia iyo Pescara.

Laakiin xirfadiisa ciyaareed ee Insigne marwalba waxaa lala xiriirinayay Napoli kabtankuna uma muuqdo inuu ku riixayo bixitaan laftiisa.

Il Mattino ayaa ku andacoonaya in weeraryahanka saameynta leh uusan dooneynin inuu ku bilowdo xilli ciyaareedka soo socda qandaraas dhacaya.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan