Himilo – Kooxda haysata horyaalka Serie A Talyaaniga ee Inter Milan ayaa la soo werinayaa inay aqbashay dalab gaaraya £ 100 milyan oo uga yimid kooxda Chelsea kaas oo ay ku dooneyso xiddigooda weerarka ee Romelu Lukaku.
Tababare Thomas Tuchel ayaa la sheegay inyuu 28 jirkan labo dalab oo uu ka gudbiyay hore looga diiday, balse iminka la aqbalay kadib markii uu hordhiyay qiimaha isla markaanna uu ugu dari doono kooxda ciyaaryahanka Marcos Alonso.
Si kastaba Blues ayaa dalabkeeda 3aad u heshay soo dhaweyn sida laga soo xigtay Daily Telegraph. Inter waxaa la aaminsan yahay in iibinta laacibkan ay ku qasbayso xaalad dhaqaale darro oo ka soo wajahday COVID-19.
Lukaku wuxuu labo sano oo dahabi ah la qaatay Inter taniyo markii uu Manchester United kaga biiray August 2019. Wuxuu dhaliyay 64 gool 95 kulan oo uu saftay halka uu caawiyay 19 gool oo kale.