Home / Cayaaro / Inter Milan oo dib ula midoobeysa Jose Mourinho.

Inter Milan oo dib ula midoobeysa Jose Mourinho.

Himilo FM – Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay kooxda Inter Milan.

Mourinho ayaa haatan ku qaadanaya xilli ciyaareedkiisii seddexaad garoonka Old Trafford laakiin doorka tababaraha reer Portugal ma ahan mid ammaanan iyadoo United kaalinta 4aad ku jirto oo ay 11 dhibic ka hooseyso horyaalka Premier League.

Madaxda United ayaa laga yaabaa inay baadi goob u galaan dooqyo kale oo ka dhan ah  Mourinho xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay The Express.

Inter ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay 55 jirkaan siiso fursad uu dib ugu soo laabanayo San Siro haddii ay go’aansadaan inay wax heshiis ah u kordhin Luciano Spalletti.

Kooxda ayaa ku jirta kaalinta 3aad ee horyaalka Serie A laakiin Spalletti ayaa u muuqda in uusan ku guuleysan doonin horyaalka iyadoo 14 dhibcood ka sarreysa kooxda Juventus.

Mourinho ayaa ku guuleystay koobab intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2010, labo horyaal iyo Champions League wakhtigiisii guulaha ee Italy.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan