Inter Milan Oo Ku Dhawaaqday Macalinkeeda Cusub

Frank de Boer ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee Inter Milan, isagoo heshiis seddex sanno ah qalinka ku duugay, sida ay ku dhawaaqday kooxda goordhaw.

Inter ayaa si degdeg ah u heshay bedelka Roberto Mancini, kaasoo ka tagay doorkiisa San Siro isniintii shalay, iyadoo lagu soo waramayo milkiilayaasha Suning Holdings Group, in ay dhiig cusub gelinayaan kooxda.

De Boer ayaa si deg deg ah ugu soo muuqday shalay raga ugu cadcad inay shaqadaan la wareegaan.

Tababarihii hore ee Ajax ayaa haatan la xaqiijiyay in uu yahay macalinka cusub ee kooxda Inter Milan.

“F.C. Internazionale Milano ayaa xaqiijisay in macalinka reer Holland Frank de Boer loo soo bandhigi doonaa saxaafada isagoo ah tababaraha cusub ee kooxda maanta

“De Boer ayaa ugu biiri doona kooxda Nerazzurri heshiis seddex sanno ah,waxaana si rasmi ah shaqadiisa tababarka kooxda koowaad uu u bilaabi doonaa galabta.

Macalinkaana ayaa waayihiisii tababare nimo waxa uu ciyaaray 263

Waxa uu guulaysatay  158

Halak uu bar baro galay 58

Waxaase laga guulaysatay  47.