Himilo – Inter Milan ayaa la weinayaa in ay u baahan tahay la saxiixashada weeraryahanka kooxda Roma ee Edin Dzeko oo ay xagaagan ku doonayaan si bilaash ah.
Laacibka qaranka Bosnia waxaa qandaraaskiisa kooxda ka dhisan caasimadda Italy kaga haray billo kooban, laacibkan ayaa dhaliyay 117 gool halka uu caawiyay 52 gool kaddib markii uu saftay 253 kulan tan iyo markii uu kasoo dhaqaaqay kooxda Manchester City.
Hoggaamiyaasha Serie A ee Inter Milan ayaa lala xiriirinayay Dzeko intii lagu guda jirey bishii January xilligaasi oo uu furnaa suuqa kala iibsiga.
Calciomercato ayaa werineysa in Dzeko uusan qandraaska u kordhin doonin Roma xagaagan waxaana suura gal ah in uu ku biiro Inter Milan.